Lionel Messi Oo qabtay shirjaraa’id Uu ku macsalaameynayey taageerayaasha Barcelona

Lionel Messi ayaa si rasmi ah u qabtay shirkii jaraa’id ee maanta uu ku macsalaameynayey taageerayaasha kooxdii uu u soo ciyaarayay inta badan noloshiisa oo dhan.

Khamiistii ayaa la shaaciyey in xiddiga reer Argentina uu ka tagayo Camp Nou kaddib 21 sano oo uu ku sugnaa Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inaysan dhaqaale ahaan awoodin sharciguna u ogolaanaynin inay sii haystaan Lionel Messi.

“Waxaa iga dhaadhacsanayd inaan halkaan joogayo {Barcelona}, kani waa gurigayga, waa gurigeenna, waxaan doonayay inaan Barca joogo sidaas ayuuna ahaa qorshaha, maantana waa inaan macasalaamo iraahdo kaddib noloshayda oo dhan oo aan halkaan joogay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Messi.

“Heshiiskayga cusub dhammaan waa la dhammeeyay, dhammaan waa la dhammeeyay, waxaan doonayay inaan joogo, waxaanan ka soo laabtay fasaxa, wuu dhammaystirnaa” ayuu hadalkiisa ku daray Leo.

“Kaddib waa sidii uu Laporta ku sharraxay, daqiiqadii ugu dambaysay wax kasta oo ka jiray La Liga, heshiisku ma uusan dhici karayn”.

Dhinaca kale Messi ayaa ka hadlay inay tani tahay wakhtigii ugu adkaa ee xirfaddiisa ciyaareed oo dhan waxaana uu yiri: “Kani waa wakhtigii ugu adkaa waayahayga ciyaareed, waxaan soo maray wakhtiyo badan oo adag, laakiin kaddib tababarka ayaan ku laaban karayay waanan aarsanayay wakhtigaas, haatan ma laaban karo, wakhtigaygii kooxduna waa uu soo dhammaaday”.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker