Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku baaqay in dadkoodu ay ka baxaan Afganistaan

Maamulka Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa maanta   ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi.

Bayaan ay soo saareenayaa lagu yidhi“ waxaan muwaadiniinta labada dal ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeya”.

Madaxda Safaaradahaasi ayaa intaas ku daray inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karaan safaaradaha sabab amni oo jira aawadeed,waxayna muwaadiniintooda kula taliyeen inay si dhaqso ah uga baxaan Afghanistan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu codsaday muwadiniinta jooga Afghansitaan inay la soo xiriiraan safaaradaha si loo qorsheeyo amba bixidooda.

Dalka Afghanistaan waxaa bilihii ugu danbeeyay ka socday dagaal xoog leh oo u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Daalibaan kadib markii Mareykanka iyo xulafadiisu sheegeen inay kala baxayan ciidamadii ka joogay dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker