Tirakoobka Iyo Xogta Shaqaalaha Dowladda Somaliya Oo lasoo Gabagabeeyay.(Sawiro)

Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Somalia ayaa la soo gabagabeeyay, kaddib muddo Toddobaadyo ah oo uu socday, kaasoo suurto galinaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda,waxaana Tirakoobka wadday guddi uu horey u magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada , Mudane Sadiiq Warfaa – Guddiga oo ka kooban wasaaradda Shaqada iyo guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka ah.

 

“Waxaa lagu gaadhay Tirakoobkan in la sameeyo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yidhi Wasiir Sadiiq Warfaa.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday maalintii u dambeysay ee tirakoobka, waxaana halkaa warbixin ku siiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay howsha Qaran ee ay qabteen guddiga gacanta ku hayay Tirakoobka shaqaalaha dowladda, arrintaa oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha lagu Horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Muddada uu socday waxaa mid mid loo tirakoobay dhammaan shaqaalaha wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha kale ee dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker