Itoobiya oo tallaabo ka qaadaysa dadka isku jiinsiga ah ee ee isu galmooda

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa tallaabo ka qaadaysa dadka isku jiinsiga ah ee isu galmooda, iyagoo sheegay inay weerar ku qaadeen hoteello, baarar iyo goobo kale oo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Goobahaas ayaa la sheegay inay ku suganyihiin ama ay degaan dadkaas isku jiinsiga ah.

Hay’adda amniga iyo nabadda oo dowladdu leedahay kana dhisan Addis Ababa, ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto xarumaha ay ka dhacaan falalka noocaas ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa qoraal ay soo dhigeen facebook ku sheegay, inay durba weerar ku qaadeen hoteel ku yaalla magaaladaas oo dadkaas lagu sheegay.

Waxaa ay dadweynaha ka codsadeen inay booliska u soo gudbiyaan xogaha la xirriira falkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker