‘Qoysaska oo dhan cidna kama badbaadin, marka laga reebo labadaan gabadhood

Dhaawacyada carruurta la keenayo isbitaalada Qasa waa carruur waalidkooda iyo ehelkooda oo dhan ay ku geeriyoodeen duqeymaha Israel, sida uu BBC u sheegay dhakhtar halkaas ku sugan.

Kala-bar dhaawacyada la keenayo goobaha caafimaadka waa carruur ayuu yiri dhakhtar Ghassan Abu-Sittah, oo ku takhasusay qaliinka. Waxa uu intaa ku daray inay yihiin carruur waalidkood iyo ehelkooda oo dhan uu ku geeriyoodeen duqeymaha.

Dhakhtarkaas oo ka howlaha goobo caafimaad oo ku yaal Ingiriis ayaa Isniintii lasoo dhaafay u wraeegay Qasa, si uu uga shaqeeyo goobaha caafimaadka ee magaaladaas.

Axadii shalay ahayd waxa uu sheegay in loo keenay labo gabar oo kala jira afar iyo shan kuwaas oo laga soo saaray burburka dhismaha ay degenaayeen ee Qasa.

“Iyaga oo keliya ayaa ka haray qoyskooda oo dhan. cid kale kama badbaadin,” ayuu yiri dhakhtarka oo intaas ku daray maalin iyo saacad walba inay la kulmaan carruur la mid ah labadaas gabar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker