” Ciidamada Kenya wakhtiga dhow Soomaaliya kama bixi doonaan ..” Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya

 

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya gen. Robert Kibochi, ayaa sheegay in ciidamada Kenya aanay  Soomaaliya ka bixi doonin wakhtiga dhow.

 

Taliyaha oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka laga leeyahay waddanka Kenya ee KBC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay xasilooni-darro ka jirto, sidaas darteedna ciidamada Kenya aanay  ka bixin doonin.

 

Gen. Robert Kibochi ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay sii caawin doonaan kuwa Soomaaliya, inta  laga xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida dalka.

 

Taliye Kibochi ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya aanay  weli hanan karin amniga guud ee dalka, islamarkaana aanay  ka maarmi karin taageerada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Halkan hoose ka daawo waraysigaas oo dhan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker