Dagaal Beleed khasaare geystay Oo Maanta Ka Dhacay Deegaanka u dhexeeya Gobolladda Sool iyo Nugaal.

Dagaal Beleed khasaare geystay, ayaa maanta ka dhacay Deegaanka SAAX-MAYGAAG, oo u dhexeeya Gobolladda Sool iyo Nugaal.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal kala duwan oo la hadlay Warbaahinta.

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan ku salaysan xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka aloosnayd deegaankaas.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii 50km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Garowe, waxaana ku dagaalamay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Nugaal iyo Sool.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker