Madaxweyne Muuse Biixi Oo ku Qaabilay madaxtooyada JSL madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo

Madaxweynaha Jsl mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku qaabilay qasriga madaxtooyada madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac.

 

Kulankaasi ay wada qaateen madaxweynayaashu ayaa ahaa salaan sharafeed iyo hanbalyada munaasibadda ciidal adxada oo guud ahaan caalamka islaamka maanta laga xusay, lagana tukaday.

 

Kulankaasi ay labada madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ay yeesheen waxa kale oo ku wehelinayay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, ganacsato iyo mas’uuliyiin kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker