Dagaalada Itoobiya Iyo Saamaynta Wejiga Cusub Ee Somalida Ku Soo Fool Leh

Qomiyada Tigreega iyo Canfarta oo is bahaysataa waxay khatar ku tahay Somalida guud ahaan, gaar ahaana Qabiilka Ciisaha iyo dalka Jabouti.

 

Xiligii uu Tigreegu xukunka hayey, wuxuu gacanta u geliyey ismaamulka Canfarta qaybo ka mid ah dhulka Ciisa ha si uu Canfarta ugu sahlo in ay gacanta ku dhigto dhabada xadiidka ee Jabuuti ka timaad Ciisa hana bara kiciso. Qorshaha Tigreeguna inaas waa ka fogaa.

 

Colaad ku salaysan dhul balaadhsi oo Ciisaha iyo Canfarta Eithopia ku dhex martaa waxay bilow u ahay in dawlada jabuuti na siyaasad ahaan, nabadgelyo ahaan iyo dhaqaalahaanba ay wiiqanto.

 

Xilgan aynu joogno, In Jabhada Tigreegu ay iska xidho ama khalkhal geliso marinka Jabouti waxay u tahay guulweyn oo ay kaga adkaan karto Abby Ahmed iyo Amxaaro ba, dhaqaalaha Ethiopiana ku naafayn karto.

 

Canfarta iyana waxay u aragtaa in ay guul u tahay in ay Ciisaha wiiqdo dhanka Ethiopia iyo Jabouti ba.

 

Dagaalka Tigreegu ka bilaabay ismaamulka Canfarta iyo soo dhawaynta Canfartu waxay gogol xaadh u tahay in laysla jiidho dhulka Ciisa, Jabouti na dabku gaadho.

 

Haddii ay sidaa u dhacdo waxay noqonaysaa in Somalida wada jir ahaan uga falceliso soona celiso khariidadii dhul weynihii Somalida ee gumaysta ka hor, waayo waxaa la gaadhay xiligii burburka federaalka Ethiopia iyo kala baxii qowmiyadaha.

 

Kala dhaqaaqaa qoomiyaduhu wuxuu raad ku yeelanaya ismaamulka Somalida Ethiopia iyo mustaqbal siday noqonto maamul ahaa. Waxaa kale oo iyana aan cago ku taagnaan doonin Dalka Jabouti oo laga yaabo in dhanka Somaliland ay miciin bididoonto.

Maamulka kale ee Somalida arrinka Kililku saamayntiisa ayuu ku yeelandoona.

 

Dhinaca Somaliland samayn togan ayaa arrinkaas ugu jira haddii ay sugida nabadgelyada, balaadhinta adeegyadda ay sifiican uga hawlgasho isla mar ahaantaana ay si xeeladaysan uga qayb qaadato dhifaaca qoomiyada Somalida ee dhanka Eithiopia iyo Jabuuti.

 

Sidaa daraadeed waa lama huraan in talo hoose laga sii yeesho, gaar ahaan maamuladani iyagoo dhinca nabad gelyada ka gelayaa xiligan gulufka colaadu oganyahay, waxna hoos iskugu ogaada.

 

Dawlada Jabouti

Dawlada Somaliland

Ismamulka Somalida ee Ethiopia.

Dawlad Goboleed ka Puntland iyo maamulada kale ee Kililka xadka laleh. Waxaase ugu muhiimsan seddexda hore wejiga hadda.

Somalida Guud ahaan isbedel togan ayaa ku soo socda haddii loo sii weel samaysto illaa Babul Mandab ayeynu xidhan karaa si dhul ahaan iyo bad ahaanba aan laynoo soo gelin!

 

Maxamuud Aw Xasan Caraale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker