Wasiirada Beesha Bariga Burco Oo Kullan La Qaatey Suldaanka Guud Ee Bariga Burco

Wasiirada beesha bariga Burco (Habarjeclo) ayaa xalay kullan gurigiisa kula qaatay suldaanka guud ee beeshaasi, xilli ay taagan tahay xaalad xasaasi ah oo ay sababtey tartan iyo xifiltan dhex maraya wasiiro beeshaasi kasoo jeeda oo danaynaya kursiga guddoomiyaha KULMIYE Madaxwayne Biixi dabadii.

Wasiiradan beesha Habarjeclo ee kullanka la qaatey suldaanka guud ayaan ilaa hadda la garanayn wxa ay kala hadleen, balse waxa loo badinayaa in ay usoo jeedyeen inay kala reebaan wasiirada caafimaadka iyo arrimaha gudaha, halka sidoo kalena xogo aan helaynaa ay sheegeen inuu kala hadlay suldaanku wax u qabashada deegaanada Togdheer ee abaartu xuni ka jirto.

Kulankan oo su’aalo badan dhaliyey aadna loogu hadal hayo baraha bulshada ayaa ka danbeeyey kadib markii dhawaan wasiirada beeshaasi ay kullan ku yeesheen Hargeysa,kaas oo ilaa hadda xogtiisa aad loo ilaaliyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirarkani la xidhiidhaan arrinta Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker