Walaalkaa walaalkii makuu arkaa? W.Q: Khaalid Foodhaadhi

Somaliland oo 27 sano ka hor ku dhawaaqday in ay go’day jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee burburtay qaybteedii kale (haatan Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya) ayaa waxaa ay weli adduunyada ka dalbataa inay aqoonsadaan si ay uga mid noqdaan qaramada adduunka,  welina Somaliland may helin waxaas ay raadinayso.

Inkastoo ay jiraan dedaalo badan oo ay sheegteen xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland soo maray kuwaasi oo ay ku sheeganayaan in ay adduunyada u sharraxeen waxa ay Somaliland tahay haddana ma jiraan wax midho dhal ah oo la taaban karo kuwaasi oo kasoo baxay dedaalladaasi sheegashada u badan.

Xukuumadihii kala duwanaa ee Somaliland soo maray iyo tan haatan joogtaba waxay shacabka u sheegaan in saaxiibbo badan ay Somaliland yeelata isla markaana ay maanta meel fiican joogaan dal ahaan iyo dad ahaanba.

Saaxiibbada Somaliland ay ku faanto ee shacabkeedana aad looga warramo waxaa ugu horraysa dawladda Itoobbiya oo haatan  ka gudubtay saaxiibnimo balse dhanka Somaliland looga aqoonsaday walaalka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay adduunka wallow aan la odhan Karin walaalahani waa kuwo uur wada galay oo hooyo wada dhashay balse waa walaal af ku sameys ah.

Inta badanna Siyaasiyiinta Somaliland marka ay ka hadlayaan arrimaha Itoobiya waxay uga hadlaan qaab walaaltinnimo oo ay Itoobiya ka xigto dalalka kale ee la deriska ah Somaliland iyagoo mar walba ku celcelinaya ereyga “walaalahayo Itoobiya”

Ma xuma oo intii cadaawad iyo dagaal uu dhexmari lahaa dalal ama dad deris ah waxaa wanaagsan in wanaag lagu wada noolaado, balse su’aashu is waydiinta mudan waxay tahay walaalkaa walaalkii makuu arkaa?

Ka kaalay , taas baddalkeed Siyaasiga Somaliland joogaa waxaa uu mar walba carrabka ku adkeeyaa in uu jiro cadaw ay leedahay Somaliland kaasi oo ah “Soomaaliya” weliba cadawtinnimada Soomaaliya waxay sii adkaataa marka laga sheekeenayo dagaalladii iyo Xasuuqii dawladdii Millatariga ahayd ay ka gaysatay halkan (Somaliland) iyo marka ay dhacaan dagaallo kale oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Waa run oo qofka dagaalku idinka dhaxeeyaa markaas aad dagaallamaysaan waa cadawgaaga hase ahaatee saw ma jiraan walaalo dagaallama?

27kii sano ee ay Somaliland kasoo maqnayd Soomaaliyada kale madaxdii soo maray dhammaantood waxay booqashooyin kala duwan ku tageen dalka Itoobiya iyadoo ay lasoo kulmi jireen madaxa dalkaasi Itoobiya. Booqashooyinkaasna natiijada kasoo baxdaa waxay noqotaa badanaa; “Waxaa laga wada hadlay danaha labada dawladood”

Dhanka Itoobiya ma jiro Raysal-wasaare ama madaxweyne Itoobbiyaan ah oo hal mar yimid Somaliland.

Soomaaliya oo ah dalka siyaasigu uu ku sheegay cadawga waxaa ka jiray intii Somalilandta maanta ay jirtay burbur dawladeed iyo mid dadeedba, haddana muddadaasi madaxda dalka Itoobbiya waxay ku yimaadeen booqashooyin kala duwan, marka laga soo bilaabo raysal-wasaare Meles Zenawi, Hailemariam Desalegn iyo kan hadda Abiy Axmed.

Marka laga soo tago Itoobbiya ma jiro hal madaxweyne oo kamid ah dalalka caalamka oo soo gaadhay Somaliland muddadaas 27 sano ah ee ay jirtay (Waxaan xasuustaa waaggii dawladdii madaxweyne Daahir Rayaale in wakhti ay jirtay shacabka lagu odhan jiray waxaa Somaliland imanaya madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama! Iyaduna waxay ahayd Been).

Booqashada ugu dambeysay ee (16.june.2018) Abiy Axmed ku yimid Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen in la horumariyo afar dekedood oo ay Soomaaliya leedahay si dalalka deriska ah iyo Itoobiya ay uga faa’idaystaan iyo arrimo kale oo la xidhiidha horumarka – sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Afarta dekedood ee la sheegay in la horumarinayo lama sheegin kuwa ay yihiin, balse waxaa jira heshiis Somaliland ay la gashay Itoobiya kaasi oo ah dekedda Berbera. %19 ayayna Itoobbiya ku qaadatay heshiiskaasi dekedda Berbera.

Markay halkaas marayso saw lama odhan karo “Walaalkii Somaliland wuxuu saaxiib dhaw la noqonayaan cadawgii Somaliland (Soomaaliya), se tolow walaaltinnimadii ma is badali doontaa?”

Khaalid Foodhaadhi
Reporter: Goobjoog TV
Hargeysa, Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker