Qisadii soo xidhidda Axmed Cismaan Geelle – maxaa run ah, maxaa se been ah: Maxamed Haaruun

Qisadii soo xidhidda Axmed Cismaan Geelle – maxaa run ah, maxaa se been ah:

1. Waa run in dawladda Djibouti soo dalbatay ganacsadahan.
2. Waa run in aagaasimayaasha Wasaaradaha Khaarajiga iyo Cadaaladdu dalabkaas saxeexeen, xeer ilaalinta/dumintu na aqbashay, Maamulka Biixi na aanay doonayn in ay wax jawaab ah ka bixiyaan.
3. Waa been abuur in waraaq heer wasiir ahi xukuumadda ka soo baxday, Maamulka Biixi na ay tobanaan jeer siyaalo kala duwan uga hadleen beennimada waraaqdaas. Idaacadii Cali-gurey xataa maalmahan wax kale ma sheegto, oo aan ka ahayn waraaqda been abuurka ah. Koley kuwa runta ah warkooda ma hayaan.
4. Waa run in aan cidina maxkamadayn doonin, amaba dhiibi doonin ganacsadahan, Maamulka na looga fadhiyo sida ay marka horeba waxaasi uguba soo dhaceen.
5. Runta u dambaysaa na waxa ay tahay, in sababta uu ganacsadahani ku badbaaday ay tahay xuquuqda dhalashadiisa reernimo, oo aanay ahayn xaq muwaadinimo, xaq insanimo, xaq islaamnimo iyo ilaalin distoor midnaba.Image result for Maxamed Haaruun

“Hora loo soconayaa.”, taasi na waa run kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker