Dal ka mamnuucday dalkeeda dadka aan qaadan tallaalka COVID19

Dowladda Malta ayaa sheegtay in ay noqoneyso wadankii ugu horreeyey ee Yurub oo ka xidha xuduudihiisa dhammaan dadka aan qaadan labada dhibcood ee Talaalka Covid19, iyada ay kordheen kiisaska xanuunkaas nuqulkiisa Delta.

Dadka caddeeya in ay soo qaateen talaallada lagu sameeyey Yurub iyo Britain ayaa soo galitaanka Malta loo oggolaan doonaa laga bilaabo 14-ka bishan oo ku beegan Arbacadan fooda inagu soo haysa.

Tan ayey macnaheedu noqoneysaa in dalxiisayaasha ka iman lahaa Mareykanka iyo waddamada kale aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan Malta.

 

Source: https://www.reuters.com/world/europe/malta-bans-all-visitors-who-arent-fully-vaccinated-against-covid-2021-07-09/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker