Muuse Biixi Iyo Talada Dalka MUCAARID BILAA WARBAAHIN AH (Qaybtii aad) Qore : Maxamed Xoosh

Labada Xisbi Mucaarid Ee Jamhuuriyada Somaliland Ka Jiraa Waxaa Ku Adkaaday Kasbasho Taageero Ka Badan Intii Hore u Haysteen Waxaa u Sabab Ah Iyagoo Weli Ku Jira Olole !

Marka Ay Doorashadu Dhamaatay Waxa La Gudboonaa  Xisbiga Wadani In Uu Badalo Baaqyadii Iyo Luqadii Campaign ka Ama Dadka Dareenkooda Lagu Kiciyo Si Hadaf Gaaban Loo Gaadho Oo Ah Kulmiye Ka Rido Kursiga

Dadka Jamhuuriyada Somaliland Waxay u  Badan Yihiin Dhalinyaro Xoog Ah Oo Ka Duwan Dadkii Hore Waxaanay Ku Xidhan Yihiin Warbaahin Casriya Ee Dunida Hadhaysay, Sidaa Awgeed Waxay u Diyaar Yihiin In Afkaar Iyo Aydaloojiyad Laga Dhaadhiciyo

Waxa Meesha Ka Maqan Doorkii Warbaahin Mucaarid Ah Oo Kasban Karta Dhalinyarta u Ooman Aqoon Ka Duwan Qayb Qayb iyo Jees Jees Oo Midaysa Yool Ay Kaga Midho Dhalin Karaan Horumarka Dalkooda

Waxa Jira Warbaahin Mucaarid Ah Oo Ku Xidhan Xisbiga Wadani Oo Ka Aradan Xirfadaha Saxaafada WAAYO Waxay Ka Hadashaa Wax QARANIMADA TAABANAAYA Sida Ciidanka Qaranka, Ha,yadaha Amniga , Saami Qaybsi , Isbeelaysi , Axdi Qarameed , Waa Lakala Tashan ……

Kaadirka Xisbiga Wadani Waxaa Ku Celceliyaan Xisbiga Kulmiye Bariguu Mucaarid Ahaa Sidaa Ayuu Samayn Jiray , Waxaanay Ogayn In Kulmiye Berri uu Ahaa Sidaa Balse Aanay Shaqaynayn Arinkaasi Maanta , Xiligan La Taagan Yahay Iyo Mucaaridnimadeeda Iyo Halbuur Siyaasiya Iyo Naqdin Xukuumada Muuse Biixi Looga Fadhiyo Xisbiga Wadani, Mid Ka Duwan Mucaaradadii Kulmiye 2002-2010 Ku Guulaystay

Xisbiyada Waxa Looga Fadhiyaa AFKAAR IYO MABAADI Ee Loogama Fadhiyo SHAKHSI CAY IYO KA HADAL DHACDOOYIN MAALIN LEH AH Sida “Xooghaye Khadar”

Si Xisbigu Kursiga Ugu Dhawaado Waa Inuu Dhalinyarta Wax Ka Dhaadhiciyaa.

 

 

 

Maxamed Xoosh

mxoosh09@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker