BAAHIDA DADKA HAYSA(SHAQO ABUUR) qormadii 2 baad

Inta badan waxaa ii caado ah inaan dhagaysto wararka VOA-da wakhtiga 1:30 duhurnimo markaan qadeeyo inta hurdada aan sasabaayo, dabadeed waxaa warka ka mid ahayd gulan ka dhacay garoowe oo hargeisa iyo magaalo kasta oo soomaaliyeedna u yaala oo ah sidee loo xaliyaa dhalinyarada habeenkii  dadka dhacda, waa mawduuc xasaasi ah nin aanu sheeko wadaag yeelanay dhagaysigayga idaacada 2 saacadood horteed ayaa ii sheegay isna in laga qaaday mobile-kii hadii uu saldhiga tageyna loo sheegay inuu qofkii tobnaad yahay,

 

Arintan iyo kuwo kale ba xalinteedu waxay u taalaa bulshada si gaar ahna dawlada, saldhigyadii iyo iskuuladiiba khaati   ayay taagan yihiin  maamule iskuul oo kulanka ka hadlaayey ayaa sheegay in maalinkasta iskuulka askari timaado si looga fiiriyo mid ardayda ka mida oo xalay jidgooyo galay, si loo xidho,

Fikir kayga waxay ila tahay in xoogan kaydsamay ee ina dhibay shaqo loo abuuro,

  1. Marka koobaad ba horta aqoonso mushkilada ah shaqo la.aan
  2. Sida ciwaanka ka muuqata shaqo abuur ayaa ah xalka labaad
  3. Nooca shaqo ee la abuuraayo ayaa iyana iswaydiin leh, aduunyada noocyo shaqo oo badan ayaa la buuraa, oo ay ka mid tahay colaad, inay dhacaan kambaniyo ayaa shaqo ka hela macaashna ka sameeya, maalgashi, waa nooc shaqo abuur isna mashaariic sanadle ah ama 2 sanadoodle ah ayaa iyana shaqo abuuri kara
  4. Inagu waxaynu u baahanay sadex nooc oo shaqo abuur wakhtigan xaadirka ah A) warshado yaryar(small & medium industry) B) Beero badan oo gobolada oo dhan ah iyadoo la qorshaynaayo nooca dalaga la beeraayo, waliba waxaa la shaqaalaysiin karaa inta hore dad u dhashay wadamada beerta bariiska waxanay inoogu noqon karaan macalimiin dadkeena beeralayda ah, khibradna waxay ku soo kordhin karaan wasaaradeena horumarinta beeraha, C) Maalgalinta ganacsiyada yaryar iyo dhexe, si dhaqdhaqaaqa lacagtu u kordho(money circulation)

Sadexdaas nooc ee shaqo hadii aynu imika helno maxaa dhacaya

 

  1. heerka shaqo abuur ee dalku sare ayuu u kici
  2. sixirbararkuna hoos ayuu u dhici

 

 

 

C/SAMED XASAN HIRAD

BBA

PG IN ISLAMIC BANKING & FINANCE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker