Sababta Ay Diyaaarada Fly Dubai Ujoojisay Duulimaadyadii Hargays, Doorka Baashe Morgan & Ex-wasiir Maxamuud Xaashi!

Shirkada Diyaaradaha Ee Fly-Dubai ayaa si Rasmiya u joojisay Duullimaadyadeeda ay ku iman jirtay caasimada Somaliland ee Hargeysa laga bilaabo khamiista

Go,aankan Ay Fly Dubia Ku joojisay Duulimaadyadeedii Hargaysa ayaa la sheegay in ay yimaadeen markii xukuumada Somaliland ku wargalisay Inay laba maalmood ku iman karto duulimaayadeeda Madaarka Hargaysa todobaadkii, iyadoo hore u iman jirtay 3-maalmood taasi oo sida wararka laga helayaa tibaxeen ay keentay duulimaadyada imanaya garoonka Cigaal Awgeed oo xiligan culus badani ka jiro.

Sidoo kale wararka laga helayo go,aanka ay Fly dubai ku joojisay duulimaadyadii garoonka cigaal International ayaa daboolka ka qaaday in ay la xidhiidho arimo siyaasadeed oo dabada ku hayo xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee shirkadan dalka keenay ismarkaana saamaynta ku ku leh arimaheeda oo wakhtiga xaadirkan xukuumada madaxwayne Muuse Biixi iyo xisbiga kulmiye ka soo horjeestay kuwaasi oo iyagu dabada ka riixaya go,aanka ay ku joojisay duulimaadyadeeda Hargaysa, taasi oo kentay in maamulka fly dubai ay qaataan go,aanka ay ku joojiyeen duulimaayadii Hargaysa.

Shirkada Fly Dubai ayaa waxaa Somaliland keenay Wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay UAE Baashe Morgan &Ex-wasiir Maxamuud Xaashi oo wakhti xaadiran ololeyaal siyaasadeed ka wada Hargeysa.

Shirkada diyaaradaha ee fly dubai ayaa dhawaan uun xukuumadu u ogolaatay in ay somalilland dib uga bilowdo duulimaadyadii ay ku iman jirtay, kadib markii laga joojiyay taasi oo ay keentay markii ay ka hor timid qawaaniinta Somaliland una hogaansantay awaamiirta maamulka somaliya,

Go,aanka ay fly dubai ku joojisay duulimaadyadii ay u iman jirtay Hargaysa ayaa saamayn ku yeelanaya boqolaal qof oo ka midah rakaabka diyaarada, kuwaasi oo haystay tigidha safarka ee Fly dubai taasi oo khasaare balaadhan ku keenaysa macaamiisheeda, halka talaabada ay ku joojisay duulimaadyadeeda ka danbayso lala xidhiidhinayo in uu yahay mid siyaasadeed balse aanu ahayn cadaadis kaga yimid xukuumada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker