Laba Xildhibaan Oo Isku Beel Ah Oo Ku Tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada JSL
Loolanka loogu jiro Saddexda xubnood ee noqonaya shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maraya Meel xaasaasi ah, waxaana soo baxaya xubno cusub oo doonaya inay xilkaasi qabtaan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, ayaa waxa hore ay Xisbiyada WADDANI iyo UCID u shaaciyeen inay u soo xuleen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Sanaag, kaasi oo Isbahaysiga Mucaaradku isku raaceen inuu ugu tartamo xilkaasi.
Laakiin, Jimcihhii Shalay 9 Xildhibaan oo Hargeysa ku shiray ayaa soo bandhigay Xildhibaan ay doonayaan inuu u tartamo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada.
Sagaal xubnood oo ka tirsan UCID iyo Kulmiye, balse isku beel ah ayaa ku heshiiyay in Musharraxa jagada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiilada ay ku dhisaan Xildhibaan Siciid Mire Faarax ( Giire).
Xildhibaanadan ayaa inkasta oo gobollo kala duwan iyo xisbiyo kala duwan ay ka soo baxeen haddana waa isku Beel.
Jagada Guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa waxa hore u shaaciyey inuu u tartamayo Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex.
Arrinta xiisaha leh ee meesha ku jirta ayaa ah, in tartankani si gaar ah uga dhexeeyo Siciid Mire Faarax ( Giire) iyo Cumar Jaamac Faarax oo isku beel ah, sidoo kalena ka soo wada baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.




