Xukuumadda Somaliland Oo Beeniyay In Puntland Qabsatay Sanaduuq Doorasho

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakiin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen.

“Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro” ayuu yidhi.

Ciidamada Puntland, ayaa maalintii shalay ku andacooday inay qabteen sanaduuq ay ku jiraan kadhadhka codaynta Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker