Ethopia Ayaa Jabisay Rikoodhkii u yaallay Caalamka ee Dhir-beerista oo Hore u Haysteen Hindiya iyo Pakistaan.

Adis-ababa:(OWN)-Dawladda  Ethopia,ayaa waxay jabisay Record-kii ka yaallay Ol-olaha Dhir-beerista ee guud ahaanba Aduunka,kuwaas oo ay hore u haysteen Dalalka Hinidya iyo Pakistaan.

Xukuumadda Adis-ababa,ayaa waday dedaalo xooggan oo lagula tacaalayo is-bedelka Cimiladda iyo sidoo kale Xaalufka deg deg ah,waxaana guul muhiim ka gaadheen qorshahaas,ka dib markii ay 12 saacaadood gudahood lagu beeray in ka badan 350Milyan oo geed,talabaas oo ay bogaadiyeen Ururadda iyo Haay’adaha ka shaqeeya ilaalinta Deegaanka.

Muwaadiniin Mutadawiciin ah oo guud ahaanba Dalka ah,Wakiilo ka kala tirsan qaramadda Midoobay,Midawga Afrika iyo Saraakiisha Safaaradda Ajnabiga ah ee ku yaalla Dalkaasi,ayaa waxay beegsanayeen inay beeraan 200 Milyan oo geed ka hor inta aanay maalintu dhammaan,balse waxa baro-dhaafiyeen Higsigoodu.

Warbaahinta The GUARDIAN,waxay ku waramaysaa in maalintaas la fasaxay guud ahaanba Goobaha Waxbarashadda iyo shaqooyinka dawladda,si shaqaalaha rayidka ah uga qeyb-qaataan Ol-olaha.

22-kii JUNE,2013-kii,waxay dalkaPakistaan waxay Keymaha Sindi ka beeraan Saddex boqol oo qof dher gaadhaysa 847,275 Geed muddo 24 Saacadood gudahood ah.

Sannad ka dibna,waxa Score-kaas jabisay Dawladda Hindiya,ka dib markii ay Muddo 24 Saacadood ah ku beereen 49.3 Milyan oo geed,Waxaana hadda Record-ka jabisay Dawladda Ethopia.

Wasiirka  Tejnoolajiyadda iyo Hal-abuurka ee Xukuumadda Federaalka Ethopia,Getahun Mekuria,waxa uu barta uu Tiwitarka ku leeyahay ku sheegay inay Dawladdiisu ku guulaystay inay Dunidda Record cusub ka dhigayaan ,ka dib markii ay maalin gudaheed ku beereen 353,633,660 Geed.

Ra’iisal Wasaraaha Dalka Ethopia, Dr. Aby Ahmed ayaa qorshana ugu magacday Dhaxal Cagaaran,taas oo lagu beegsanayo in Lagu 40 Bilyan oo geed in uu socdo Xili roobaadka oo ku eeg Bisha Octobar ee sannadkan,taas oo la doonayo in qof kastaaba uu beero Afartan Geed.

Ethopia,maaha oo kaliya Dalka Afrikaan ah ee ka cabayana dhibaatadda Is-bedelka Cimiladdu ku keentay iyo Xoolufka ba’an,Toban oo waddan oo Afrikaan ayaa 2015-kii soo jeediyay sidii qaaradda Afrika llooga samayn lahaa Dhul Beerood cabirkoodu yahay 386,000 Mayl oo labo jibaaran wixii loo gaadho sannadka 2030-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker