Baanka Adduunka Oo Malaayiin Doollar Siinaaya Soomaaliya

Bankiga adduunka ayaa ansixiyey in Soomaaliya la siiyo 80 malyan oo Doollar oo ay ku bixiso isbeddelada lagu samaynayo hanaanka dhaqaalaha, taasoo noqonaysa markii 1aad ee ay lacag noocaas ah hesho muddo 30 sano ah.

Baanka adduunka oo hakiyey xiriirkii uu dalka la lahaa markii uu dagaalka sokeeye qarxay 1991, ayaa sii ambaqaaday taageerada uu siiyo Soomaaliya 2003, xilligaasoo uu sheegay inuu diiradda saarayo xanuunka HIV/AIDS, iyo barnaamijyada xoolaha Soomaalida oo uu kala shaqaynayo hay’ado kale, laakinse marnaba ma uusan ansixin lacag toos ah oo la siiyo xukuumadda.

Wuxuu dib u furay xiriirkii tooska ahaa ee xukuumadda federaalka.

Guddiga ugu sarreeya ayaa ansixiyey 60 malyan oo Doollar oo ah mashruuca isbeddelka dhaqaalaha iyo kharashaadka wareega, iyo 20 malyan oo Doollar oo lagu bixinayo mashruuca sare u qaadidda awoodda xagga maamulka iyo canshuuraha gudaha. Sidaa waxaa lagu sheegay hadal la soo saaray gelinkii dambe ee Talaadadii.

“Waxay u taagan yihiin talaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya” ayuu baanku yiri.

Wuxuu kaloo sheegay inuu kala shaqaynayo dawladda Soomaaliya sidii loo hagaajin lahaa adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, helitaanka biyo nadiif ah, iyo tamarta iyo dhaqaalaha – kuwaasoo soo hoos galaya barnaamij guud oo baanka adduunku uu kula shaqaynayo Soomaaliya.

Waxaa la saadaaliyey sida uu baanku sheegay koboc celceliskiisu uu noqonayo 3.5% iyo 4.5% sannadkiiba muddada u dhaxaysa 2019 -2022, markaasoo la qabanayo barnaamijyada adeegyada bulshada.

“Inkastoo beeruhu ay muhiimadda 1aad u yihiin dhaqaalaha, haddana waxay u nugul yihiin isbeddel degdeg ah oo yimaada. Sidaa darteed, adeegyada ayaa sii ahaan doona kuwa wada koboca, gaar ahaan dhaqaalaha, gaadiidka iyo isgaarsiinta iyo ganacsiga” ayuu yiri baanku.

Todobaadkii hore ayey hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF) waxay sheegtay in koboca dhaqaale ee ay sannadkan filayso uu yahay 3.1% kaasoo ka duwan kii sannadkii hore oo ahaa 2.3%, ayadoo uu dalku ka soo kabanayo abaar sannadkii hore ku dhufatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker