Nin reer Austria Ah Oo Abeeso Ugu dhuumatay Suuligiisa Kadibna Ay Qaniintay

Nin reer Austria ah ayaa ka sheekeeyay argagaxa uu la kulmay markii uu mas dhererkiisu yahay 1.6mitir uu qaniinay isagoo ka soo dhexbaxay suuligiisa.

Ninka oo la yidhaahdo Walter Erhart oo 65 jir ah ayaa arkay maska oo ah nooca abeesada ah  markii uu qaniinay ka dib.

Maskan wuxuu ka baxsaday guriga deriskiisa, halkaas oo lagu hayo 10 mas oo kale.

“Waxaan aaday suuliga, nalka ayaan shiday sidii caadiga ahayd waxaan ku fariistay fadhiga suuliga ka dibna waxaan dareemay inay wax i qaniineen.”

Nasiib darro Walter Erhart waxaa qaniinay mas kaga yimid darsikiisa oo ah nooca jibisada ah ka dib markii uu ka soo baxsaday oo uu soo maray tuubada bullaacadda.

Walter oo sharraxaya ayaa sheegay inay jibisada isku weereejisay fadhiga suuliga. Isagoo ka sii sheekeynayaa qaabkii loo qaniinay ayuu yidhi hoosta ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker