Ugu Yaraan 70 Tahriibayaal oo lagu la’yahay xeebaha Liibiya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 Tahriibayaal ah lagu la’yahay xeebaha dalka Liibiya, kuwaas oo loo maleynayo inay dhinteen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

IOM ayaa sheegtay in 12-kii bishan  lasoo sheegay in doon ay saarnaayeen 25 Tahriibayaal  ah ay ku dagtay meel u dhow xeebaha Liibiya ee Tobruk, iyadoo intaas ku dartay in ciidamadu ay soo badbaadiyay lix tahriibayaal ah, iyo sidoo kale toddobada qof  oo kale oo meydkooda badda laga soo helay, halka 12 kalena la la’yahay.

Mashruuca diiwaan gelinta Tahriibayaal la waayay ee IOM ayaa intaas ku daray in dhacdadan ugu dambeysay ay ka dhigeyso tirada guud ee muhaajiriinta la sheegay in ay ku dhinteen ama lagu la’yahay Badhtamaha Mediterranean-ka ilaa 215 qof sanadkan.

“Waan ka naxay dhimashada joogtada ah ee ka jirta Badhtamaha Mediterranean-ka iyo ficil la’aanta wax ka qabashada masiibadan socota. In ka badan kala bar dhimashada sanadkan ayaa laga diiwaan geliyay meel u dhow xeebaha Liibiya.” ayuu yidhi Federico Soda, madaxa IOM ee dalka Liibiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker