Siyaasi ku taliyey Cidda ku haboon in loo doorto Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (OWN)- Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay maalmihii dambeeyey.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, halka Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE uu doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Gobolka Sool.

Wasiirul-dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale, ayaa kala taageeray labada siyaasi ee ku loolamaya doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Farxaan Jaamac Ismaaciil oo u warramay barta Youtube-ka ee Hargeys Films, waxa uu sidoo kale baaq u jeediyey xildhibaannada loo doortay Golaha Wakiillada Cusub oo uu kula taliyey inay eegaan masiirka umadda.

Waraysi kooban oo lala yeeshay Siyaasi Farxaan Jaamac ka daawo muuqaalka Hoose

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker