Nin Dilay Kadibna Cumay Hilibkii Hooyadii Oo La Maxkamadeeyey
Nin u dhashey dalka Spain oo lagu magacaabo Alberto Sanchez Gomez, oo ah 28 sano jir, , ayaa lagu xukumay 15 sano oo xadhig ah, ka gadaal markii uu diley hooyadii, ka dibna uu cuney iyadii lafteeda.
Alberto ayaa la xidhay sannadkii 2019-kii, markii ciidanka booliisku ay ka heleen qeybo ka mid ah jirka hooyadii meel u dhaw gurigeeda, qaarkoodna ay ku jireen bac.
Maxkamad ayaa wax kama jiraan ka dhigtay dood soo gudbiyey Sanchez, taas oo ah inuu isku dhax yaac iyo qulub uu qaadey xiligii uu dilka ku kacey.
Haatan waxaa lagu xukumay 15 sano oo xardhg ah, iyo shan bilood oo uu usii xidhnaanayo ku xad gudbidda jirka meydka hooyadii.
Booliiska ayaa yimid isla guriga, oo ku yaalla bariga Madrid, bishii February sannadkii 2019-kii, ka dib markii qof la ah qoyska saaxiib uu su’aal ka keenay badqabka Maria Soledad Gomez, taas oo ku jirta da’da lixdameeyo.
Arrinta mar kale warkan soo celisay, ayaa ah intii ay socotey maxkamadda, in Sanchez oo xiligaa ahaa 26 sano jir, wuxuu la murmay hooyadii, isagoo markaa ka dibna ceejiiyey.




