Dawladda Maraykan oo Walaac Ka Muujiyey Doorashada Itoobiya Iyo Sababta?

Dalka Mareykanka ayaa walaac culus ka muujiyey doorashada ka dhaceysa Itoobiya 21-ka bishan iyaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo kooxaha kala duwan in laga waantoobo colaadda iyo qalalaasaha ka jira dalka.

“Kala qeybsanaanta gobolka iyo qeybo ka mid ah Itoobiya waxaa ay khatar ku tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed. Waqtiga xita doorashada waxay noqon doontaa mid muhiim u ah Itoobiyaanka iney isu yimaadaan, si ay uga hortagaan kala qeybsanaanta”, waxaa sidaasi yidhi, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price.

Wararka ayaa sheegaya in dib loo dhigay labo gobol oo uu ku jira midka Soomaalida degto, taas oo la filayo doorashadooda September 6.

Doorashada Itoobiya oo ahayd in la qabto August sanadkii hore ayaa waxaa sanad dib u dhigay raísul wasaare Abiy Axmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker