Dawladda Hoose ee Hargeysa Siday u shaqaysa Maxaase Hawl sugaysa Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa?

Intuu le’egyahay Musuqii ku dhacay Hargeysa 2012 ilaa 2021?
Dawladda Hoose ee Hargeysa Siday u shaqaysa Maxaase Hawl sugaysa Maayarka cusub iyo ku xigeenkiisa?
Waa markii ugu horaysay ee taariikhda Somaliland Maayaro mucaarid ah iyo xukuumad muxaafid ahi wada shaqeeyan.
Dakhli cashuureedka ay dawladda hoose ee Hargeysa bishii ay is ahaan u qaado wuxuu dhan yahay 13,371,511,884 Shiling Somaliland ag (Seddex iyo toban malyuun oo seddex boqol iyo kaw iyo todobaatan kun oo SHS, shan boqol iyo kun, sideed boqol iyo afar iyo sideetan SHSL).
Lacagta waxay ka soo xaroota 7 nidaam cashuurood oo kala duwan, oo mid walba cadad xisaabeed gaar ah laga qaado.
Waxay 7 da cashuurood Kala Yahiin:
1. Cashuurta jeexista dhismaha dhulka $200 dollar, cel celis ahaan waxaa maalin kasta la jeexa 100 dhul oo cusub, waxaana maalin kasta uga soo xarooda dawladda hoose lacag dhan $20,000 dollar, iyadoo sannadkii 2019/2020 ay uga soo xaroodeen DHH cashuurtan $720, 0000
2. Cashuurta kala wareejinta iibka dhulka, oo dhulka tusaale ahaan qiimahiisu yahay $25000, waxay dawladda hoose ka qaada 2%, oo u dhigma $500, tusaale ahaan sannadkii 2019 ilaa 2020 waxaa dawladda hoose ee Hargeysa ay maalin walba celcelis ahaan qaadaysay cashuurta 50 dhul oo la kala iibsaday, waxaana celcelis ahaan ka soo gallay cashuurtan maalin kasta $25000 oo sannadkii noqonaya $900,000
3. Cashuurta Biriliyamka oo sannadkii ay DHH ay celcelis ahaan ka soo gasho $4,140,000
4. Cashuurta Mulkiyadda dhulka oo sannadkii ay ka soo xaroodan lacag $3,600,000
5. Cashuurta Ardiyadaha ay uga soo xarooto 60,0000,000 SL Shiling
6. Cashuurta maalin laha ah waxaa sannadkii uga soo xarooda $514,800
7. Cashuurta liisanka $34,285.75
Waxaan lacagta u dheer lacag 1 ilaa 2 malyuun oo dollar ah oo sannadkii ay dawladda dhexe ku kabto dawladda hoose ee Hargeysa.
Waxaa iyaduna jirta lacag ilaa 3 malyuun oo dollar ah oo ka timaada mashruuca JPLG ee bangiga adduunka iyo midawga Yurub.
Lacagaha aan kor ku sheegay sannadkii 65% waa la musuq maasuqaayay, xukuumadahii kala danbeeyay ee Siilaanyo iyo Muuse Biixi way ogaayeen, laakiin lagama daba tagin.
Lacag ku dhaw ilaa 15 ilaa 20 malyuun oo dollarka maraykanka ah ayaa lagala baxay qasnadda dawladda hoose ee Hargeysa ilaa iyo sannadkii 2012 kii, tan iyo markii Maayar Soltelco iyo ku xigeenkiisa xilka loo doortay.
Waxaa intaa dheer dhul hanti guud oo gaadhaya ilaa $5000,000 ilaa $7000,000 oo Maayarka iyo ku xigeenkiisu iibiyeen, kana iibiyeen tujaar, ganacsato iyo dad kale, oo aan ku dhicin qasnadda dawladda hoose.
Qof kasta oo Maayar iyo ku xigeen ka noqda Hargeysa waxaa sugaysa shaqo u baahan inaan habeen iyo maalin aan dhinaca dhulka la dhigin, qof kasta oo xilkaasi sugayana xaqiiq tamaashaad ka dheer, waxaa sugaysa shaqo tii ugu adkayd.
Waxaan ugu yaboohaya cid kasta oo loo doorto hogaanka caasimadda Hargeysa inaan si bila lacag ah, ama bila mushahar ah, oo aanan 1 dollar ka doonayn, ugala taliyo dhibaatooyinka Hargeysa haysta iyo sida wax looga qaban karo.
Waxaa tallooyinka ka mid ah
1. Daba-galka hantidan iyo boobka ku dhacay DHH
2. Dibu habaynta hannaanka cashuur uruurinta iyo sida loo fududayn lahaa cashuuraha loona kordhin lahaa
3. Dhisidda waax la dagaalanta musuq maasuqa, kobcisa maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka DHH
4. Qiimaynta kharashaadka ku baxaya dibu dhiska kaabayaashii dhaqaale (Rebuilding Hargeisa economic infrastructure) sida waddooyinka, biyo mareenadda, furista waddooyin cusub, nidaaminta qaab dhismeedka magaalada (Town planning), maamulka qashinka iyo nadaafadda
5. Sidii maamulka DHH loogu soo wareejin lahaa wakaaladda biyaha Hargeysa.
6. Sidii DHH ula wareegi lahayd nidaamka tamarta iyo laydhka ee caasimadda, loona marin lahaa dhulka hoostiisa xadhkahan korka mara ee laydhka iyo isgaadhsiinta
7. Qaabkii loo samayn lahaa ilaa 14 goob nasasho (Community parks) oo lagu nasto
8. Sidii loo dhisi lahaa faras magaalo casri ah oo qurux badan oo is wata
Mohammed Abdi Hassan Diridhaba
Wa bilahi tawfiiq

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker