Aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezo Oo Dalxiis Hawada Sare ku Bixinaya $28 malyan oo doolar
Aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezo ayaa safarkiisa ugu horreeyey ee dalxiiska hawada sare ku bixinaya $28 malyan oo doolar, isaga oo adeegsanaya dayax gacmeed ay sameysay shirkadda Blue Origin.
Tartanka loo galay safarka dalxiiska oo la shaciyey Sabtidi shalay ahayd ayaa lagu shaaciyey cidda tartanka ku guuleysatay.
Tartanka oo ahaa mid xiisa badan wuxuu soo jiitay in ka badan 140 dal, Iyada oo safarka dalxiiska hawada sare ay Jeff ku wehlinayaan walaalkii Mark iyo dalxiise kale oo aan magaciisa la sheegin.
“Lacagta tartankan dalxiiska laga helay waxaa la siinayaa sanduuqa Blue Origin” ayey tidhi shirkadda Blue Origin farriin ay barteeda Twitterka soo dhigtay.
Wargeyska Forbes wuxuu sheegay Jeff Bezo oo ah maalqabeen caan ah inuu leeyahay hanti kor u dhaafeyso $186.2 balyan oo doolar.




