Nin Sixirroore ah Oo Haweeneey Uur Leh Madaxa Musbaar Kaga Muday Si Ay Wiil U Dhasho

Dalka Pakistan waxaa ka socda ugaadhsi lagu baadigoobayo nin sixiroole ah oo la sheegay inuu dadka uu daweeyo kaas oo musmaar madaxa kaga duray haweeney uur leh.

Haweeneyda ayaa timid cisbitaal ku yaalla magaalada Peshawar ka dib markii ay isku dayday in ay iska soo saarto musmaarka oo dheererkiisu gaadhaya 5 sentimitar.

Markii hore waxa ay dhakhaatiirta u sheegtay in ay iyadu falkaasi fulisay, balse markii dambe waxa ay qiratay in ninka sixiroole ah  uu arrintan ku sameeyay ka dib markii uu u sheegay in uu dammaanad qaadi karo in ay wiil dhasho.

Booliska ayaa bilaabay baadhitaanka ka dib markii sawirada raajada ee musmarka ka soo muuqdeen shaashadda.

Dr Haider Khan, oo xubin ka ah Isbitaalka Lady Reading , ayaa sheegay in haweeneydu aanay  “si toos u ah u miyir daboomin balse ay xanuun aad u daran,” ay dareemeysay markii ay imanaysay isbitaalka.

Shaqaalaha cisbitaalka ayaa warbaahinta  u sheegay in haweenaydu ay xidhiidh la sameysay ninka sixiroole ah ka dib markii ay arrintiisa ka maqashay qof ay daris yihiin.

Waxa ay intaa ku dareen in haweeneydaasi ay dhashay saddex gabdhood, iyadoo ninkeeda uu ugu hanjabay inuu ka tagi doono haddii ay gabadh kale u dhasho.

“Waxay leedahay uur saddex bilood ah, cabsida ninkeeda awgeed ayay faallowga ugu tagtay si uu uga caawiyo inay wiil dhasho,” shaqaalaha isbitaalka ayaa sidaasi  sheegay .

Qaar ka mid ah wadamada faqriga ah ee ku yaalla koonfurta Aasiya, wiilasha ayaa inta badan la aaminsan yahay in marka ay dhashaan ay waalidku helaan dhaqaale fiican oo aan waqtiguusu koobnayn halka hablaha aanay  waalidka helyn dhaqaal wanaagsan. Dhaqamadaan ayaa waxaa inta badan sare u sii qaada ragga faalka dhiga ama kitaabada fiiriya ee sheega inay dhibaatooyinkaasi wax ka qaban karaan.

Wadaaddadan noocaan ah ayaa waxay aad ugu badan yihiin qaybo ka mid ah Pakistan, gaar ahaan aagagga qabaa’ilka dega waqooyi-galbeed. “Dhaqamadoodu waxa ay ku salaysan yihiin suufiyada.”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu taliyaha booliska Peshawar ee Cabaas Axsan ayaa sheegay in la sameeyay koox gaar ah oo baadhitaan ku sameysa kiiskan si ay “caddaladda u horkeenaan faalloowgii ku ciyaaray nafta qof dumar ah oo aan waxba galabsan kaas madaxa kaga duray musmaar ballan qaad been ahna u sheegay si ay wiil u dhasho.”

Booliska ayaa dhowr maalmood wareysiyo la yeeshay shaqaalaha isbitaalka, waxayna isku dayeen inay soo qabtaan haweeneydan oo isbitaalka ka baxday ka dib markii ay shaqaaluhu ka soo saareen musmaarkii ku jiray madaxeeda iyadoo ay rajeynayaan inay ka caawiso inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay ninka.

“Waxaan dhawaan gacanta ku soo dhigi doonnaa sixiroolaha,” ayuu yidhi Mr Axsan.

Mr Axsan ayaa sidoo kale sheegay in saraakiishiisa ay baadhayaan sababta ay shaqaaluhu ugu soo wargelin waayeen booliska markii ugu horeysay ee haweeneyda timid isbitaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker