Ninkii Dharbaaxay Madaxweynaha Farnsiiska Oo Lagu Xukumay 18 bilood Oo Xabsi ah

Damien Tarel oo ah Ninka ku eedeysan inuu goob fagaare ah ku dharbaaxay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, ayaa la horgeeyay maxkamad.

Ninkan oo 28 sano jir ah, ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu Macron dharbaaxay, wuxuuna ficilkaas ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan horey u soo qorsheynin.

Wuxuu tilmaamay in dhacdada ay ka dhalatay hoos u dhaca Faransiiska ku yimid, sida uu maxkamadda ka hor sheegay.

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninka oo lagu magacaabo Damien Tarel, lagu xukumo 18 bilood oo xabsi ah, wuxuuna dharbaaxada ku tilmaamay ficil rabsho oo si ulakac ah loo sameeyay

Waaxda dacwadda ku oogeysa ninkan ayaa ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaqdhaqaaqa Yellow-vest.

Madaxweynaha Faransiiska markii la dharbaaxayay wuxuu ka soo baxay iskuul ku yaalla magaalada Waqooyiga-Bari ee Tain-l’Hermitage, ka dib ayuu ku leexday dad banaanka ku sugnaa oo lagu celiyay xeyndaab gaaban oo bir ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker