Madaxweyne Joe Biden Oo Laalay Amar Uu Ansixiyay Donald Trump

Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat.

Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin, Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay.

Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden.

 

Trump ayaa sanadkii hore amray inaan lala soo degin app-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee Bytedance, Wuxuu markaas ku sheegay inay khatar ku tahay ammaanka Maryekanka.

Waxaa la soo jeediyay in shirkadaha Oracle iyo Walmart ay qaadaan mas’uuliyadda maamulka xogta TikTok ee gudaha Mareykanka.

Balse dacwado badan oo lagu furay iyo Mr Trump oo xilka ka sii degayay awgood, in la mamnuuco bartaas iyo in shirkadaha Maryekanka ay ku lug yeeshaan midkoodna ma miro dhalin.

Madaxweyne Biden ayaa amarkiisa ku sheegay in dowladda federaalka ay qiimeyn doonto khataraha ay sababi karaan baraha Shiinaha laga leeyahay , iyadoo qiimeynta lagu saleynayo xaqiiqda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker