Dayactirka Waddooyinku Waa Astaanta Dawladnimadda.

  Hargeysa Ilaa Berbera

Waddooyinka u dhexeeya Hargeysa ilaa Berbera oo dhammaantood la dayactiray intii Xukuumadda Cusubi soo kordhisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Waddooyinka Berbera ilaa Hargeysi waa Waddooyin halbawle u ah Qaranka waanna waddooyinka inta badan ay ka dhici jireen  Shilalka iyo Dhibaatooyinka waddooyinka ee ay  sababi jireen Godadka iyo Burburkii laxaadka badnaa ee isbiirsadday, tan iyo intii la dayac tiray waddooyinkaas waxa hoos u dhacay Shilalkii Gaadiidka ee sida joogtadda ah u dhici jiray. Waxaanna yaraaday Dhimashaddii iyo dhaawacii ka dhici jiray shilalka Waddooyinkaas.

Inta badan waxaan Maraa waddooyinkaas waxaanan si joogtaa ula socdaa wixii ku soo kordha iyo wixii ka dhacaba anigoo baaqyo ka dhan ah Shilalka Gaadiidka ka qori jiray, Haddaba Maxaa laga dhaxlay intii la Dayactiray Waddooyinkaas Hargeysa ilaa Berbera:–

Isku socodkii oo aad u batay
Wakhtigii lagu tagi jiray oo yaraaday wax ka yar 2 saac.
Shilalkii Gaadiidka oo  aad u yaraaday
Kalsoonidii darawilliinta oo korodhay
Shirkadaha socdaalka iyo Isku socodka oo batay.
Dalxiiskii oo Batay.
Aragtidii Bulshadda oo isbedeshay

Markaa intaas iyo in ka badan laga dhaxlo waddooyin yaryar oo la dayactiray iyo qaar la sammeeyayba miyaynaan ka badbaadin sida:-

Dhaqaale badan oo burburi lahaa.
Dhimasho iyo dhaawac ” Alle ayaa badbaadiyay”
Dalxiis yaraan!
Aragti Xun oo bulshooyin Ka ah.          Isku socodkii oo istaagay.

Dayactirka iyo hagaajinta waddooyinku waa  shaqooyinka ugu fudud ee la qabsan karo, waxaanna inta badan dawladihii hore lagu yaqaanay innaanay Xilba iska Saari jirin Waddooyinkaas ay shilalku ka dhici jireen se imika wax badan ayaa isbeddelay oo aad indhahaaga ku arki kartaa.

Haddaba Waxaan kula Talin lahaa Wasaaradda  Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Tallooyinkan:-

1. Innay si Joogtaa uga war hayso Waddooyinka Guud ee ay shaqadoodu tahay markasta ay sammeeyaan Kormeer Bille ah ama Wiigle ah.
2. Innay Dayac tiraan meelaha yaryar ee ilma aragtiga ah ee ku hadhay inta u dhaxaysa Hargeysa ilaa Berbera.
3. Innay Calaamadaha Waddooyinka Badiyaan gaar ahaan Askari Jiifayaasha ku Yaalla Degmooyinka Qaarkood.
4. In Ay Hal abuurnimo la yimaadaan oo ay Qorshaha ku darsadaan Dhismaha Dooxyadda Waaweyn ee Awbarkhadle iyo dacar Buruq  si ay biriijyo uga sammeeyaan, kuna tusaale qaataan Waddadaas Ceerigaabo iyo sidii loo Bilaabay, iyadoo Dooxyaddan loo heli karo Biriijyo Casri ah oo la rakibi karo haddii la raadiyo.
5.  In degmooyinka la dhigo Qalabka dayactirka waddooyinka ee degdega ah, shaqaalana laga qorto degmmooyinka si ay shaqooyinkaas u qabtaan waddaduna u Badbaado dadkuna u nabad Gallaan.

6. In Waddooyinkaas la xaadho oo si joogto ah looga xaadho Ciida dhinacyadda ka soo gasha haddii kale dhib ayay keeni kartaa.

7.  In Meelaha Istabaha “Controlka” lagu rakibo Qashaafado waaweyn iyo Calaamado waaweyn, Magaca Goobta.

8. Innay Bulshadooda la wadaagan Ilaalinta waddooyinka.

9. Innay Bulshadda iyo waddaayaasha gaadiidka ka Codsaddaan innay U soo gudbiyaan Meelaha u baahan dayactir waddo.

10. In gaadiidka Waddooyinka Dhexdooda ku xummaada si Degdega ah looga Qaado loonna fidiyo Adeeg caawimaad ah, sidoo kalena in lagu amro cidda Dhagaxaan ay Gaadiidka Meesha maraya iskaga dhigeen kaga taga La ganaaxi doonno.

Qofkii awooddaa Ha qoro Wixii Aragtidiisa ah Xalka iyo Talladana ha raaciyo.

Rakad Mxd Sultan
#DanneeyeBulshodhisaniyoWaddanHorumarsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker