Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Huwanta oo ka socda deegaanka Yayle ee gobolka Sool

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa Huwanta ayaa saaka ka socda deegaanka Bisiqa oo ka tirsan deegaanka Yeyle ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa sida lagu waramayo ah mid aad u culus, inkasta oo aan wali laga hayn xog buuxda oo ku saabsan deegaanada uu sida rasmiga ah uga socdo iyo inta uu leegyahay khasaaraha ilaa hada labada dhinac soo kala gaadhay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Huwanta ayaa dhawaanahan isku horfadhiyay deegaamada Buqdharkayn iyo Yayle oo ay dagaalo hore ugu dhexmareen labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxa kale oo qayb ka ah ciidamo beeleed isku magacaabay SSB, oo garabsiinaya ciidamada Somaliland ee aagaa ku sugan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker