Warbixinta Robert Mueller Oo Ku saabsan Faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016

Warbixinta Robert Mueller ee baadhitaankiisii faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa maanta la daabacay .

 

Waxyar ka hor inta uusan warbixinta uu daabicin, ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr waxa uu shaaca ka qaaday in warbixinta ay madaxweyne Trump ka barri yeeleyso inuu Ruushka kala shaqeeyey faro-gelinta.

 

Barr waxa uu sidoo kale sheegay in kadib markii uu xilka qabtay, madaxweyne Trump uusan wax damac ah ka gelin inuu is-hortaago baaritaanka faro-gelinta Ruushka.

 

Ka hor inta aan warbixinta la daabicin ayuu Trump weerar culus ku qaaday baaritaanka Muuller oo ku qeexay “Qiyaano Siyaasadeedkii ugu weynaa taariikhda.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker