11ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Chelsea Kaddib Saxeexyadii Hakim Ziyech & Timo Werner

Chelsea ayaa heshiis ay shaacinta rasmiga ah oo kali ahi u hadhsan tahay la gaadhay weeraryahanka RB Leipzing ee Timo Werner oo ay ka hor qaadday Liverpool iyo kooxo kale oo waaweyn oo danaynayay.

 

 

Tababare Frank Lampard oo xagaagii hore la wareegay koox suuqa iibku ka xayiran yahay, ayaa isku habaystay ciyaartooyo da’yar u badan oo uu qaarkood kasoo ceshaday amaah ay ku maqnaayeen, waxaana inkasta oo kulmadii ugu dambeeyey ay hoos usoo dhaceen uu awood u yeeshay inuu kaalinta afraad ku ilaaliyo naadigiisa.

 

 

waxaanay saddex dhibcood ka horreeyaan Man United oo kaalinta shanaad fadhida.

Chelsea oo dhaqaale badan oo ay suuqa la geli lahayd xagaagii hore iyo bishii January uu u baaqday, waxay wacdaro ka dhigaysaa suuqa hadda oo ay durba gacanta ku dhigtay laba ciyaartoy oo ay kooxo badan ku garaacday.

 

 

Waxaana bishii February ay iibkiisa shaacisay Hakim Ziyech oo ay Ajax ka tirsan, kuna soo waajahan Stamford Bridge bisha July, halka uu Werner dhamaadka xili ciyaareedka usoo xidh-xidhan doono London.

 

 

Haddaba, sidee ayay noqon doontaa darajada Mushaharka ciyaartoyga Blues marka ay Ziyech iyo Werner soo gaadhaan Stamford Bridge?

 

 

Su’aashan muhiimka ah ayaa lagu sameeyey raad-raac la xidhiidha heshiisyada ciyaartoyga iyo gunnooyinka ay qaadanayaan.

 

 

Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa ah kan ugu mushaharka badan Chelsea oo dhan, waxaanu toddobaadkii qaadan doonaa £170,000 Gini.

 

 

Werner ayaa ka sare mari doona Kepa Arrizabalaga iyo N’Golo Kante oo ah labada ciyaartoy ee waqtigan ugu mushaharka badan, laakiin Hakim Ziyech ayaan ka mid noqon doonin 11ka laacib ee ugu mushaharka badan.

 

 

 

Halkan ka akhriso 11ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Chelsea:

 

 

11. Pedro – £100,000 usbuucii

10. Ross Barkley – £100,000 usbuucii

9. Mateo Kovacic – £105,000 usbuucii

8. Olivier Giroud – £110,000 usbuucii

7. Jorginho – £110,000 usbuucii

6. Callum Hudson-Odoi – £120,000 usbuucii

5. Willian – £120,000 usbuucii

4. Christian Pulisic – £145,000 usbuucii

3. N’Golo Kante – £150,000 usbuucii

2:  Kepa Arrizabalaga – £150,000 usbuucii

1. Timo Werner – £170,000 usbuucii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker