Shiinaha Oo Noqonaya Dalka Ugu Awoodda Badan Dunida 2050+Warbixin Xiiso Leh.

Dadka Mareykanka waxaa ay shiinaha u arkaan inuu yahay dal khatar ku ah jiritaanka dowladda Mareykanka, waxaa arrintaas hor socda Trump.

Dhaqaale ahaan:

Dhaqaalaha Shiinuhu waa dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu baaxadda weyn, waxaana la filayaa in booska koowaad uu kala wareego Mareykanka marka la gaadho 2050.

Tallaabooyinka ay Shiinuhu dhanka horumarinta dhaqaalaha u qaadeen waxaa ugu horreeya, waa wadada (Xadhiidhta) ee cusub, waa waddo ganacsiyeed barri iyo badba leh oo isku xidhaysa in ka badan 65 dowladood oo Yurub iyo Afrika ba leh, taas oo u adeegi doonta in ka badan 70% dadka dunida ku nool. kharashka ku bixi doona ee lagu dhawaaqay waa (hal-tirilyan oo dolar) kun billion oo dolar, waxaana hal ku dhig u ah (guntin qudha iyo hal waddo), waa udub dhaxaadka Suuqa Caalamka oo dhanka bariga u guuraya.

Cilmi ahaan:

Kharashaadka Shiinuhu ay ku bixiyaan cilmi-baadhista aad ayay u korodhtay 30-jibaar inta u dhaxeysay 1995 ilaa 2013, waxey hadda noqotay dowladda ugu horreysa ee dhanka cilmi-baadhista uguna wax-soosaarka badan, culumada Sayniska ee Shiinuhu markii ugu horreysay waxey Cloning ku sameeyeen Daanyeer markii ugu horreysay taariikhda. sidaas oo kale; waxey hawada sare u direen daxayax gacmeed dhanka xidhiidhka ah oo adkaynaya ammaanka xidhiidhka taleefoon oo aan cidina ku dhageysan karin.

Sidaas oo kale, Shiinuhu waxey doonayaan iney adduuyada uga horumaraan, xidhiidhka makhluuqaadka cirka ku nool ee suuraggalka ay tahay iney aadanaha la soo xidhiidhaan.

Waxey Shiinuhu dhiseen Telskoobka ugu baaxadda weyn adduunka oo ku kacay qiimo dhan 180-milayn oo dolar, kaas oo lagu sahminayo hawada sare.

Siyaasad ahaan:

Shiinuhu waxey xidhiidh fiican la leeyihiin dalalka ay Mareykanka cadowga yihiin, sida; Ruushka iyo Iiraan.

Hoggaamiyaha K/waqooyi Kim Jong-un inta aanuu Trump la kulmin, safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ku baxo waxa uu ku gaadhay dalka Shiinaha.

Dhanka golaha Ammaanka Shiinuhu codka diidmada Qayaxan ee (veto power) waxey adeegsadeen 6-jeer, qaarkood waxey ahaayeen kuwo ka dhan ah  go’aanno uu Mareykanku dabada ka riixayo, halka kuwo kalena lagu horistaagay go’aanno lagu cambaarayanayay xukuumadda Suuriya.

Ciidan ahaan:

Mareykanka ayaa Shiinaha kaga sarreeya awoodda ciidanka iyo miisayaaniyaddiisa, halka Shiinuhu ay leeyihiin ciidanka ugu badan ee ay dowladi leedahay.

Laakiin Shiinuhu kuma tiirsana tirada ciidankooda oo kaliya, waa sida ay tahay qorshaha Madaxweyne Xi Jinping, ciidanka Shiinaha waxaa u qorsheysan inuu noqdo kan ugu awoodda badan adduunka marka la gaadho 2050.

Shiinuhu qorshahooda wey ku guuleysan karaan oo hadafkooda wey gaadhi karaan, waa marka ah hubkooda horumarin ku sameeyaan, diiyaaradaha codka ka dheereeya 5 jeer ay horumarin ku sii sameeyaan, xidhiidhka Quantitative communication ee aan cidina jabsan karin, madaafiicda Electromagnetism ee meelaha fog wax ka toogta ee awoodda burbur ee aadka u sarreysa leh ee Shuunuhu ay hadda haystaan.

Kadib markii ay Shiinuhu ku guuleysteen iney si wanaagsan mustaqbalkooda u qorsheeyaan, Shiinuhu ma noqon doonaan dowladda ugu awoodd badan Aduunka?

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker