Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Hadlay Doorashooyinka Berri Loo Dareerayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland u diray farriin la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay bulshadu si nabad ah u codayso, isaga oo guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaargarowga ee ka horreeyey.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka oo ay saddexda xisbi qaran kamid yihiin ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashadan, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqadii adkayd ee ay qarankooda u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si waafi ah u sharraxay ujeeddada laga rabo doorashooyinka maalinta berri ah dalka ka qorshaysan iyo qaran ahaan waxa laga doonayo inay inoo keenaan, waxana uu yidhi, “Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray,“Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.”
Dhallinyarada dalka, ayuu madaxweynuhu u diray farriin la xidhiidha maalinta doorashada iyo waajibka ka saaran qarannimada iyo ilaalinta nabadgelyada, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka usheegay in Badiba safiirradii iyo Diblomaasiyiintii Yurub iyo Maraykanka u fadhiyey dalalka Bariga Afrika iyo siyaasiyiin badan oo miisaan lihi dalka yimaaddeen, islamarkaana ay qiimaynayaan qaan-gaadhnimada Dimuqraaddiyadeed ee Somaliland ka hirgashay iyo horumarka dhinaca Doorashooyinka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in dunidu inagu qiimaynayso hadba wixii aynu gacmaheenna ku qabsanno, kar kasta oo ay isku kalsooni iyo xilkasnimo muujinana halkeenna la inoogu iman doono, waxana uu yidhi,“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, waxa hubaal ah in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna.”
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una tudhaan qarankooda iyo nabadgelyadaba.
Wa-bilaahi Tawfiiq

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker