Wasiirka Caddaaladda JSL Oo Dalacsiiyey 744 ka Mida Ciidanka Asluubta

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland   Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa 744 xubnood oo ka tirsan ciidanka asluubta ugu hambalyey dalacsiin darajo. Waxa xubnaha darajada lagu taxay ayàa u kala
Baxayay dable, aliflay, sarkaal-xigeenno iyo saraakiil, kuwaasoo tiradoodu dhammayd 744 xubnood.

Darajo dalacsiinta xubnaha ciidanka, waxa ay ku begantay maalin ahmiyad qaranka ku leh oo loo
dabaaldegay sannad-guuradda 30aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada xornimada Somaliland, iyadoo Ciidanka Asluubtu ka mid yihiin tiir-dhexaadada hannaanka caddaaladda iyo amniga qaranku ku dhisan yahay.

Dalacsiinta loo sameeyey 223 sarkaal iyo 521 kale ee ka kooban dable, aliflay iyo sarkaal- xigeennada waxa ay dhiirigelin u tahay Ciidanka Asluubta, kuwaas oo ka qayb laxaad leh ka qaadan doona dib-u-habaynta xabsiyada iyo dhaqan celinta maxaabiista.

Wasiirka Caddaaladda JSL, Md. Saleebaan Warsame Guuleed, waxa uu darajo dalacsiinta uga mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka Ciidanka Asluubta oo ka shaqeeyey sidii loo maamuusi lahaa, loona dalacsiin lahaa ciidanka si ay u dardargeliyaan shaqada adag ee ay qaranka u hayaan.

“Iyadoo Wasaarad Caddaalad ahaan mar walba aan ku faraxsanahay isbeddelka iyo horumarka Ciidanka Asluubtu, waxa naga go’an in aan qayb laxaad leh ka qaadanno tobabarrada iyo kobcinta aqoonta xubnaha Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan horumarinta iyo casriyeynta xabsiyiada, dhaqan celinta iyo dib-u-bulshaynta maxaabiista. Waxa aan idin leeyahay Alle ha idinku asturo xilka idin fuulay, sababtoo ah darajo kasta oo korodhaa waxa ay leedahay masuuliyadeeda iyo culayskeeda, waana hubaa in aad tihiin ciidan akhlaaq iyo aqoon ahaan dhisan oo waxa taas caddayn u ah aqoontiina iyo sida aad ula dhaqantaan dambiilayaasha aad gacanta ku haysaan, bulshadana ugu soo celisaan iyagoo dhaqan-koodii wax wanaagsan iska beddelay,” Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Saleeban Warsame Guuleed.

waxa kale oo uu ciidanka iyo guud ahaan shacab
weynaha JSL ugu hambalyey sannad-guurada 30aad ee ka soo wareegtay Madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo ku astaysan Maalinta aynu la soo noqonay xornimadii 1960-kii inagaga halawday la-midawgii Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker