Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay misaajida ku yaala dalka Cumaan

Booliiska dalka Cumaan ayaa sheegay in afar qof ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday masjid ku yaalla deegaanka Wadi al-Kabiir oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Muscat.

Faah faahin badan lagama hayo weerarka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan hal nin oo hubeysan uu ku furay rasaas goobtaasi islamarkana uu adeegsanayay qori ah nooca darandooriga u dhaca.

Booliiska dalkaasi ayaa sheegay in ay xakameeyeen weerarka, islamarkana ay baarayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker