Sida ay wax uga dheceen isbitaal ku yaalla Qasa oo ay Israa’iil weerartay iyo dhaawacyo ay gaartay waxyeello horleh

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen oo ay xireen tobanaan dabley ah oo Xamaas katirsan xilli ay weerarro ka fuliyeen gudaha isbitaal ku yaalla koonfurta Qasa.

Afhayeen u hadlay Israa’iil oo lagu magacaabo Daniel Hagari, ayaa sheegay in gelitaanka cisbitaalka Nasser ee Khan Younis uu ahaa mid sax ah oo xaddidan.

Balse ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen isbitaalka, halkaasi oo uu ku dhintay qof bukaan ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen intii lagu guda jiray waxa ay ugu yeereen howlgal masiibo ah.

Daniel Hagari ayaa ku eedeeyay cisbitaalka in lagu qariyo la haystayaasha Israa’iiliyiinta, balse waxa uu sidoo kale sheegay in aan wali halkaas laga helin wax caddaynaya wax la haystayaal ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in askartu ay xireen darawal mid kamida gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ambalaas oo qirtay in uu qof Israa’iili ah horay ugu qariyay gudaha Qasa. Xamaas ayaa beenisay dhamaan sheegshooyinka Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker