Rag Sidii Dumarka usoo labistay oo gacanta lagu dhigay

 

Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka, ayaa kamid ah laba qof oo laga shakisan yahay oo ay booliiska Kenya soo xidheen.

Waxaa lasoo xidhay burcaddan mar ay isu diyaariyeen iney ku kacaan fal dambiyeed agagaarka xaafadda Langata ee magaalada Nairobi.

Peter Omweno Momanyi, waa 24 sano jir, kaasoo loo xidhay inuu u labistay sidii haweenka, iyadoo uu wehlinayey saaxiibkii John Muchiri Kimani, oo 25 sano jir ah.

Labadan qof ee laga shakisan yahay, ayaa iska diidey amar uu siiyey sargaal booliis, kaasoo ka dalbadey iney istaagaan, kagadaal markii uu labadooda mid kamid ah uu si wanaagsan inta u eegay, markaa kadibna uu ka shakiyey inaanu haween aheyn.

Markii uu ku amrey iney istaagaan, way ka diideen, iyagoo markaa kadib ka cararey.

Si kastaba ha ahaatee, burcaddii, ma aysan fileyn in sargaalka booliiska uu awoodi doono eryistooda, illaa iyo markii uggu danbeysay uu soo xidhay iyagii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker