Fadeexad Weyn: Adeegayaasha Qaranka Oo Ka Qaybgalay Shirkii Kumliye, Hanti-dhawrka Guud Ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud, Taliyaha Booliska, Agaasimayaal, Xeer-ilaaliye Iyo Qaar kale

 

Xisbiya mucaarada ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay guud ahaanba sharcigii dalka ay gacanteeda ku qaadatay isla markaasna masuuliyiintii qaranka iyo shaqaalihii dawladuba ay si aan gabasho lahayn ay u noqdeen xisbiga Kulmiye,laguna arkay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas.

 

Masuuliyiinta ay dhaliilaha xisbiyada mucaaradka u soo jeediyeen waxa kow ka ahaa hantidhawrkii qaranka, xeer ilaaliye ku xigeenka, xisaabiyaha guud ee dawlada, taliyaha ciidamada booliska, gaasimayaal iyo shaqaale dawladeed. Mucaaradku waxay madaxweyne Muuse  biixi ku dhaliileen in sharcigii uu ku tuntay xiligii uu ka qaybgalay shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo dhamaan dhacdooyinkan ay ka dhacayeen hortiisa.

 

Ugu horayntii afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa” Sodonkaas sano ee ay Somaliland madaxa la gashay waa markii ugu horaysay ee xisbi xibiyada dalka ka mid ah oo shir qabsanaaya in shaqaalii dawlada agaasime guud,agaasime waaxeed iyo shaqaale hoosaadba in haayadii dawlada ee adeega umadda u qaabilsanaa inay cidla ahaayeen, waxa eekayd maadaama oo uu hanaankaasi furmay in madaxweynaa dalku uu haayada shaqaalaha ka codsado maalmaha qaran ee fasaxa ah in lagu daro maalmaha uu shirka Kulmiye qabsanaayo sida ciida, maalinta shaqaalaha aduunka, maalinta xuska nabiga CSW ee dastuurku qeexayo inay tana ku darsadaan, sababta aan taas u leeyahayna waa cidii adeega qabanaysay ee sharcigu qeexayay ee shaqaale,maamul iyo madax lahaaba waxay ku jeeniqaarteen waxa la yidhaahdo calanka Kulmiye waa dhaawac weyn oo gaadhay sharafta haybada iyo hanaanka haayadaha qaranka ka dhaxeeya.”

 

Afhayeen Barkhad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ waxa tusaale idiinku filan jananka ciidanka booliska, darajada sudhan waa sareeye gaas waxa uu masuul ka yahay amniga, madaxweynaha iyo muwaadinka waxa uu masuul ka yahay amniga mucaaradka lagama xishoon haybada ninkaas odayga ah saaran ee qaranka uu dhexda ugu yahay waxa uu dhex fadhiyaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, baritoolana waxa dhacaysa in shirka Waddani iyo Ucid la yidhaahdo kaalay waxa laga hadlayaa maaha qofnimadiisa waa darajooyinka ku taxan ee uu qaranka ku matalaayo,hadii la yidhaahdo amniga madaxweynaha ayuu ilaalinayaa waad ka warqabtaan oo 900 oo nin ayaa la yidhaahdaa ciidanka ilaalada madaxweynaha  oo ka bajad badan sadex wasaaradood  oo u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweynaha, waxay ahayd hadii uu safarka ku jiray oo uu tagay inuu dhawro haybada qaranka oo uu banaanka ka istaago shirkaas laakiin may dhicin,wax ka muuqda xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Somaliland waa waaxdii garsoorka oo ku jeeniqaaran calankii Kulmiye dhex fadhiyana golahii dhexe ee Kulmiye waana haayadii labaad ee ay iyadana dhibaati soo gaadhay, halkan waxaad ku arkaysaan xisaabiyahii guud ee qaranka oo isaguna Kulmiye dhex jooga,waxaad halkan ku aragtaan agaasimihii wasaarada qoyska, waxa ku xiga guddoomiyahii ka hortaga aafooyinka, waxaad ka warqabteen in Muuse Biixi oo madaxweynaha dalka ah uu ku olloleeyay balanteenu waa saraynta sharciga  markuu dila jogayna waxa uu lahaa waxa idabrayaa waa dastuurka dalka iyo sharciga, waxa uu shir u qabtay agaasimayaasha guud ee dalka oo uu yidhi shaqaale ayaad tihiine siyaasad ma gali kartaan agaasimayaashiisii oo astaantii xisbiga sitaana hortiisa ayay fadhiyaan, iyamuu sax yahay ama qaldan yahay madaxweynuu, halkan waxa fadhiya waa hanti dhawrii qaranka oo isagana aad wada arkaysaan haayadaha dawlada hadii Kulmiye sidaas u bahdilaayo oo ay dhibaatooyinkaasi jirayaan, waxa ka soo salag leh saadaashaada lama garanaayo.”

 

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa dhankiisa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan ka hadlayaa sharcidaradii ugu weynayd ee abid intuu dalkani jiray dhacday iinay ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu qabsanaayay, hore waxaan u ogayan in Kulmiye ina baray caadooyin iyo dhaqamo ku cusub saaxada siyaasada, waxa kale oo hore aynu u ogayn Kulmiye waxa uu ina baray intaas dalka uu haystay waxyaabaha ay shacbigani ka faaideen oo kow ay ka tahay sicirbararka, busaarada,shaqo la’aanta, dhaqaale la’aan tiirkii ugu danbeeyay oo ah sharciga inuu isna maanta gacanta ku qaatay, hore waxyanu ollolihii u ogayn in garsoorayaal ka tirsan maxkmada ay u olloleeyeen  xisbiga Kulmiye oo iyaga oo astaantii xisbiga xidhan ay fagaarayaal ka hadlayeen iyaga oo u ollolaynaaya xisbiga Kulmiye, waxa raali ka ahaa oo ku dhiirinayay hogaanka xisbiga Kulmiye, shacbigu dood badan ayuu ka keenay oo waa kii dacweeyay cid dhag jalaq u siisayna ma jirto, maalinba waxbaa u suurto galaayay Kulmiye oo uu  shacbiga ku eegayay tii ugu danbaysay shalay ayuu qaaday oo haayadii xeerarka ku aas aasnaa ama aan loo ogolayn inay siyaasada ku milmaan inaan ka dhex aragnay iyaga oo shirkii dhex fadhiya oo astaantii xisbiga Kulmiye isku duubay.”

 

Yuufuf Kayse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Ninkaas xilkiisa gudanaaya waa hantidhawrkii guud ee qaranka,waad arkaysaan sida uu isugu jeeniqaaray calankii astaanta xisbiga Kulmiye,sharcigu uma ogola in xisbi siyaasadeed uu ku milmo si dadban iyo si cad labadaba, halkaas waxa ka cad inuu yahay xisbiga Kulmiye golaha dhexe meesha waxa tagaayay golaha dhexe uun, sidee uu dhex u noqon karaa markaas,waxa igaga sii daran xeerka tacabka la galiyay iyo haayada uu madaxda ka yahay ee uu baabiyay aad ayaanu uga xunahay, xeer ilaalinta xubno ka mid ah ayaan halkan ku aragnaa,xisaabiyii guud ee qaranka isaguna waan arkaynaa, guddoomihii bangiga ayaan isagana arkaynay iyo agaasimihii guud ee baanka, tani waxay tilmaamaysaa dalkan waxii la odhan jiray sharcigu inuu meesha ka baxay, xisbiga Kulmiye gacantuu ku qaatay kubadii la yidhi lugta ku ciyaar.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker