Muwaadin U Dhashay Dalka Britain Oo Ku Xidhan Xaruunta CIDda Ee Magaalada Muqdisho +Sababta.

Muqdisho:-(OWN)-Nin u dhashay dalka Britain oo horayna ula shaqeyn jiray sharikadda SKA ee ka howl-gasha garoonka Aadan Cadde ayaa ku xidhan xaruunta CID ee magaalada Muqdishu sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan maamulka garoonka.

Xadhigaan ayaa ka dambeeyey ka dib markii boorsadiisii laga helay bombka loo isticmaalo ka hortagga bannaanbaxyada oo dadka ka ilmeeysiisa.

Muwaadinkaan u dhashay dalka Britain ayaa wuxuu safar u ahaa magaalada Addis Ababa, wuxuuna watay tiketkii sharikadda Ethiopian Airlines.

Sabab la xidhiidha xadhiga ninkaan ayeey u baaqatay sharikadda Ethiopian Airlines labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayada oo jawaab ka sugeeysay baadhitaanka xadhiga ninkaas.

Safaaradda dalka Britain ee Soomaaliya ayaa booqatay muwadinkaas si aay u kaalmeeyaan una ogaadaan xaaladda dhabta ah ee la xidhiidha xadhigiisa.

Waa markii ugu horeysay oo sharikadda Ethiopian Airlines ay ka baaqato socdaalkeedii joogtada ahaa oo ay ku immaan jirtay magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker