Wasaaradda Waxbarashadda JSL Oo Ku Dhawaaqay Inay Banaan Yihiin Fursadihii Deeqdaha Waxbarasho.

Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska ee Somaliland ayaa shaacisay in aanay weli soo dhamaystirmin tiradda ardaydii la rabay deeqaha waxbarasho ee ay Itoobiya siisay Somaliland.
Deeqdan waxbarasho ee ay Itoobiya siisay Somaliland oo dhamayd 370 arday, ayay soo xeraysteen 208 arday oo keliya.
Kuwaasoo weli aan wada sax sanayn, isla markaana u baahan in dib u sixid lagu sameeyo qaarkood oo ay waxyaabo ka khaldan yihiin.
Sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax iyo madaxa deeqaha waxbarashadda ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland Ubax Axmed C/laahi, oo caawa warbaahinta kula hadlay Hargaysa.

Waxaanay sheegeen in deeqahaasi waxbarasho sidii la rabay aanay u hirgelin, isla markaana ay weli kala dhiman tahay tiradii la rabay.
Itoobiya ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay deeqo waxbarasho siin jirtay Somaliland.
Ardaydan deeqaha waxbarasho ee la siiyay aan soo wada xeraysan ayaa ah kuwii dugsiyadda sare ka baxay sanad dugsiyeedkii 2019 iyo 2020-kii.
Sida ay sheegtay Ubax Axmed C/laahi, oo ah madaxa deeqaha waxbarashada ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland.
Waxaanay ugu baaqday dhamaanba ardayda reer Somaliland ee ku kala sugan goboladda iyo degmooyinka dalka in ay ka faa’iidaystaan fursadani ay mar labaad shaaciyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker