Waa Talaabo Loo Baahnaa Middeynta Lebiska Ardayda Dugsiyada Somaliland

Dal kasta waxa shardi ah inuu leeyahay Dawlad, Calan, dadweyne iyo dastuurkii lagu dhaqayey ummadda, waxaana Xukuumadihii kala dambeeyey mid waliba ay wax ku kordhisay dib u dhiskii iyo horumarintii dalka Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay.

Waxa wax lagu farxo ah in Wasaaradda Waxbarashadda iyo Saynisku ay toddobaadkii hore ku dhawaaqday tallaabo loo baahnaa oo ay ku middaysay lebiska ardayda dugsiyada dalka oo aan hore u middeysnayn, isla markaana dugsiyada gaarka loo leeyahay dirayska ay doonaan ay qaab ganacsi ah ardayda u amri jireen.

Middeynta dirayska dugsiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku soo beegantay, iyadoo sagaal maalmooday innaga xigaan xiligii aynu u dabaal-degi lahayn sannad guuradii 30aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya, waxana direyska la middeeyey uu wax weyn ka tarayaa summada dawladnimo, waxaanu meesha ka saarayaa tafaraaruqii uu dugsi kastaa inta uu dawaarle la xidho uu ardayda direys gaar ah ku waajibinayey.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo sharraxayey asbaabaha ay u middeeyeen dirayskii dugsiyada dalka, ayaa sheegay inay go’aankaas u qaateen si meesha looga saaro kala sareyn dhinaca dhaqaalaha ardayda ah iyo iyadoo la garan waayey kala sarreynta heerka waxbarashada ee ardayda dugsiyada dalka.

Waxa tallaabadani meesha ka saaraysaa in dugsiyada qaarkood ay innagu soo khaldaan inay ardaydeenu xidhaan dirayso waddamo ay dano gaar ahi ka dhexeeyaan, kuwaasi oo ay tahay in aynu ka taxadarno manhajka ay ardaydeenna u dhigayaan iyo awaamiirta kale ee ay farayaanba.

Marka dib loo raaco taarrikhda Waxbarashada Somaliland waxa jirta in waxbarashada gaarka ah qaarkood ay xukumaan Ururro, Hay’addo iyo Ganacsato, kuwaasi oo ardayda ay waxbaraan u xidhi jiray direyska dalalka ama hay’adaha wax siiya ama kaalmeeya, taasina waxa ay laf-jab ku ahayd qaranimadda Somaliland.

Bulshada reer Somaliland ayaa ku diirsaday go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, waxase ay ray’ul-caamka bulshadu ku baaqeen in awood dawladnimo lagu meelmariyo qaraarkaas oo xoojinaya dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker