Dawlada Faransiiska oo Qabatay Nin Ay La Xidhiidhisay Weerarkii Shaly ee Magaalada Lyon

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in qof looga shakisan yahay in uu Sabtidii si daran u dhaawacay wadaad ka tirsan kaniisad Greek Orthodox ah oo ku taalla magaalada Lyon uu haatan ku jiro gacanta bilayska.

 

 

Nikolaos Kakavelaki ayaa xidhayay kaniisaddiisa markii laba xabad lagaga dhuftay Laabta , wuxuuna hadda ku sugan yahay xaalad halis ah iyadoo u uku jiro isbitaalka, ilo wareedyo booliis ah ayaa sidaas sheegay.

 

 

Ujeedada weerarka wali ma cadda, laakiin waxa uu yimid ka dib maalintii nin dhalinyaro ah oo reer Tunisia ah uu Khamiistii saddex qof ku dilay gudaha Notre Dame Basilica oo ku taal magaalada Nice ee koonfurta dalka Faransiiska, iyadoo horaantii October-na macallin taariikhda dhiga lagu gowracay magaalada Paris.

 

 

Ammaanka guud ahaan Faransiiska ayaa wali ah mid aad loo adkeeyey ka dib weerarkii mindida loo adeegsaday ee ka dhacay basilica, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu isku dayay in uu dajiyo xiisadda kala dhexeysa muslimiinta dalkaasi.

 

 

Macron ayaa kiciyey mudaaharaadyo ka dhacay dunida muslimka ka dib dilkii Samuel Paty, oo ardaydiisa tusay kartoon loola jeedo Nabi Muxamed NNKH, asaga oo sheegay in France aysan waligeed ka tanaasuli doonto xaqeeda farshaxanka.

 

 

Laakinse Sabtidii, Macron ayaa u hadlay si ka duwan Sidii hore oo ay ka muuqatay inuu xaaladda dejinayo ka dib wareysi uu siiyay telefishanka Al-Jazeera.

 

 

“Waan fahmi karaa in dadku ay ka argagixi karaan kartuunkaasi, laakiin marnaba ma aqbali doono in rabshadaha loo qiil dayo,” ayuu yiri Macron.

 

 

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa Sabtidii xidhay nin saddexaad si su’aalo loo waydiiyo, iyadoo lala xiriirinayo weerarkii mindida ee ka dhacay xarunta basilica ee magaalada Nice.

 

 

Ninkan ayaa ku sugnaa guri ay boolisku Jimcihii baarayeen oo uu deganaa nin labaad oo dhalinyaro ah una dhashay Tunisia ah kaasi oo looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay ninka weerarka soo qaaday.

 

 

Eedeysanaha koowaad, Ibrahim Issaoui, oo 21 jir ah, oo ka soo gudbay Talyaaniga bishii hore isagoo ku sii jeeda Faransiiska, ayaa weli ku jira xaalad halis ah isbitaal Faransiiska ku yaalla ka dib markii ay dhaawaceen booliska markii ay gacanta ku dhigayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker