Dawlada Shiinaha oo Maraykanka Uga digtay Cadaadiska Ba,an ee uu ku Hayo Jamhuuriyadda Iiraan
Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in siyaasada Mareykanka ee ku saleysan cadaadiska ka dhanka ah Iiraan ay sal u tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.
Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo talaabadan qaldan, oo dhalin karta in Iiraan ay ka baxdo heshiiskii Nuclear-ka.
Hua Chunying, afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Beijing ayaa tilmaamay in xaaladu ay ka sii dari doonto hadii Washington ay sii wado cadaadiska Iiraan isla markaanaย Xiisadu Cirka isku shareeri doontoย .
Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa bishii hore u qabtay mudo lixdan maalmood ah hadii Mareykankuย joojin waayoย cadaadiska uu ku hayo ay ka bixi doonaan heshiiskii Nuclear-ka ee ay Wada Galeenย sanadkii 2015-kii.