Kooxda Chelsea oo u soo baxday finalka Champions League markii ay ka adkaatay kooxda Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa finalka Champions League  kula ballantay Manchester City kaddib markii ay garaacday Real Madrid oo ay Stamford Bridge ugu dhiibtay 2-0.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Timo Werner iyo Mason Mount ayay Chelsea ku xaqiijisatay in laba gool oo jawaab la’aan ah ay ku garaacdo Real Madrid, iyadoo finalka ugu gudubtay natiijo 3-1 ah marka la isku daro labadii lugood ee labada garoon.

Daqiiqaddii 28aad ayaa kubbad uu birta ka jaray Kai Havertz waxa madax ku qabtay oo hoggaanka u dhiibay Chelsea Timo Werner oo bilowgii ciyaartana laga diiday gool uu hore oo offside ahaa oo uu saxeexay.

Chelsea ayaa heshay fursado badan oo ay goolal ka dhigi karaysay, halka Real Madrid ay laba fursadood oo kaliya heshay qaybtii hore, kuwaas oo Karim Benzema uu marna toogtay marna madax ku qabtay, isla markaana goolhaye Mendy isku kala bixiyey.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker