Ciyaartooyda Muslimka ah oo loo oggolaanayo inay ciyaarta ku dhex Afuraan

Maamulka horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhiirageliyay garsoorayaasha ciyaaraha habeenkii in ay kabtannada kooxaha kala hadlaan sidii ay ciyaartooyda Muslimka ah u affuri lahaayeen inta ay ciyaarta socoto, sida uu baahiyay Sky Sports.

26-kii April, kulan dhexmaray kooxaha Leicester iyo Crystal Palace ayaa muddo kooban la hakiyay si fursad ay ku affuraan ay u helaan laacibiinta kala ah Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate oo labaduba soonnaa.

Goolhayaha Palace, Vicente Guaita ayaa muddo daqiiqad ka badan hakiyay kubad uu laadi lahaa, si labadaas laacib ay u affuraan kadibna ciyaarta u sii wataan. Labada kabtan ee kooxahaas ayaa arinkaa ku heshiiyay ka hor inta aanay ciyaarta billaaban.

Waxaa la rumaysan yahay in dhacdadaas ay ahayd tii ugu horreysay ee taariikhda kulan Premier League ah loo hakiyo si ay u affuraan ciyaartooy Muslimiin ah oo sooman bisha Ramadhaan.

 

Horyaalkaas ayaa waxaa ka ciyaara Muslimiin si wanaagsan diinta ugu dhaqma oo ay kamid yihiin Maxamed Salaax, Sadio Mané, Paul Pogba iyo kuwo kale.

Kooxda Manchester United ayaa barteeda Facebook ku qortay in laacibka Paul Pogba uu sonnaa kulankii ay la dheeshay Roma ee ay 6-2 uga badisay, isla markaana uu affuray ciyaarta oo socota.

 

Horyaalka Heerka Labaad ee Turkiga
Laba todobaad ka hor, ciyaartooy dheelayay kulan ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Turkiga ayaa daqiiqadii 11-aad fursad u helay in affuraan, kadib markii ciyaarta loo hakiyay dhaawac soo gaaray mid kamid ah laacibiinta.

Ciyaarta oo u dhexaysay GZT Giresunspor iyo Ankara Keciorengucu ayaa waxaa la arkayay afar kamid ah ciyaartooyda Ankara Keciorengucu oo garoonka dhexdiisa ku cunaya timir iyo muus, halka goolhayahooda uu cabayay biyo.

Ma aha markii u horreysay ee tan oo kale ay dhacdo. Sanadkii 2018, goolhayaha xulka kubadda cagta ee Tunisia ayaa iska dhigay inuu dhaawacmay si ay u affuuraan saaxiibaddiis.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker