Markab Waday Xoolo Badan Oo Laga Soo Celiyey Sacuudiga

Markabka nooca xamuulka ee lagu magacaabo MV Mabrouka oo shixnad xoolo nool geeyey Dekedda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa dib ugu laabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Suudan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Suudan ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baadhay Shaybaarka.

Waa markabkii u horreeysay oo Shixnad Xoolo ah geeyey Sacuudiga oo dib loogu soo celiyey dalka Sudan oo ah dalkii laga soo raray Xoolahaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker