UK Oo Cunaqabatayn Kusoo Rogtay Siyaasiin Dalalkooda Soo Musuqmaasuqay
Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn saartay 22 shaqsi oo 14 ka mid ah ay u dhasheen Ruushka, kuna lug lahaa kiisas musuq-maasuq oo ku saabsan nidaamka cusub ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Shakhsiyaadkan oo ay ka mid yihiin Ajay iyo Atul Gupta ayaa xerta la cunaqabateeyey uu qabtay , dalalkaas waxaa ka mid ah Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan iyo Latin Amerika ayaa sidoo kale lala beegsaday hakinta hantidoodii iyo xayiraad dhanka safarka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Dominic Raab ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka UK inay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Nidaamka cusub wuxuu ka dhigan yahay shakhsiyaadka ku lug leh kiisaska ugu halista badan adduunka ee musuqmaasuqa mar dambe awood uma yeelan doonaan inay lacagtooda soo mariyaan bangiyada UK ama soo galaan waddanka.




